Macluumaadkani waxa uu dheer yahay Siyaasadda Ku Dhaqanka Xogta ee Maamulka Dekedda Saint Paul oo waxa ay khusaysaa keliya marka Codsadaha, ilmahooda (carruurtooda), ama qof ay masuulka sharciga ah u yihiin lagu aqoonsado macluumaadka la codsaday.

Xogta adiga kugu saabsan

Xeerka Dhaqanada Xogta Dawladdu waxa uu u malaynayaa in xogta dawladdu tahay mid guud ilaa sharciga gobolka ama federaalku si kale u muujiyo. Xogta guud waa la heli karaa qof kasta oo waydiiya, iyadoon loo eegin sababtu.

Xogta gaarka ah looma hayo dadweynaha, laakiin haddii ay ku saabsan tahay adiga, carruurtaada yaryar, ama qof aad u tahay mas'uulka sharciga ah, SPPA ayaa kula wadaagi doonta adiga ama qof fasax kaa haysta.

Xogta sirta ah lama wadaagi karo adiga iyo dadweynahaba. SPPA ayaa ku soo wargelin doonta haddii macluumaadka la codsado uu yahay qarsoodi. Waxaad xaq u leedahay inaad racfaan ka qaadato go'aankan.

Waxa kale oo aad xaq u leedahay inaad ka dooddo saxnaanta iyo/ama dhammaystirka xog kasta oo guud ama mid gaar ah oo lagu bixiyo. Si aad rafcaan uga qaadato ama aad uga doodo macluumaad kasta, fadlan nagala soo xidhiidh email ahaan .

Caddeynta Aqoonsiga

SPPA waxay kaaga baahan doontaa inaad keento caddaynta aqoonsiga marka ay codsanayso xogta gaarka ah ee adiga, carruurtaada yaryar, ama qof aad u tahay masuulka sharciga ah. Dhammaan codsadayaasha, oo ay ku jiraan kuwa aan qaan-gaarin, waa in ay bixiyaan aqoonsi sawir oo sax ah. Kuwa soo socdaa waa la aqbali karaa: shatiga darawalnimada ee gobolka, aqoonsiga gobolku bixiyo (ay ku jiraan aqoonsiga dugsiga/ardayga ee ilmo aan qaan-gaarin), Aqoonsiga ciidamada, baasaboorka, aqoonsiga qabiilka, ama u dhigma ajnabiga mid ka mid ah kuwan kor ku xusan.

Haddii aad codsanayso macluumaad ku saabsan ilmo yar ama qof aad u tahay mas'uulka sharciga ah, waxaan u baahan doonaa dukumeenti shahaadeysan oo lagu dhisayo xiriirkan. Kuwa soo socdaa waa la aqbali karaa: shahaado dhalasho, amar maxkamadeed, qandaraas xanaano korin, cadeynta waalidnimada, amar(yada) maxkamada, ama awooda qareenka oo ansax ah.